Waa maxay xanuunka ku dhacay raggan ee sababay in laga jaro xubinta taranka? - BBC News Somali (2024)

Waa maxay xanuunka ku dhacay raggan ee sababay in laga jaro xubinta taranka? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, getty images

Sanadkii 2018-kii, João, oo ah howlgab ah oo u dhashay dalka Brazil ayaa u tagay dhaqtar ka dib markii ay burooyin ka soo baxeen xubintiisa taranka.

João oo 63-jir ah ayaa sharxay wixii uu la kulmay: "Waxaan aaday rugaha caafimaadka si aan u ogaado waxa uu yahay, laakiin dhammaan dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inay sabab u tahay maqaarka oo dheeraad ah waxayna i siiyeen dawo."

Inkasta oo uu isticmaalay dawooyinka, burooyinka ayaa sii weynaaday oo sii weynaaday balse xaaladdu waxay saamayn ku yeelatay guurkiisa, João iyo xaaskiisa noloshooda gogol wadaagga ayaa ayaa hoos u dhacday.

"Waxaan noqonnay sida walaalo," ayuu yiri João, isagoo ku nuux-nuuxsaday inuu go'aansaday inuu ogaado waxa socda.

João, maaha magiicsa dhabtaa, wuxuu sii waday inuu la kulmo dhaqaatirka takhakhuska gaar ah leh, daaweyn badan ayaa la siiyey, waxaa kale oo la amray in laga qaado unugyo laga soo jaro burooyinka.

“Waxbase lagama helin” ugu danbayntiisa sanadkii hore ayaa João, waxaa laga helay kansarka xubinta taranka.

  • Muxuu yahay warka weyn ee kasoo kordhay shirkadda Apple iyo taleefannadeeda Iphone-ka

  • Waa maxay xaaladda lagu dhasho ee wadna furanka? Dhaqtarka Soomaaliga ah ee fuliya qalliinkaas oo BBC-da la hadlay

  • Sida mar kale xeebaha Soomaaliya looga soo qabtay rag looga shakisan yahay burcad-badeednimo

Wuxuu sheegay inay lama filaan aad u xun ku noqotay qoyskiisa, basle ay ugu sii darnayd in qayb ka mida xubintiisa taranka laga gooyey. “Waxaan dareemay in madaxa la iga jaray,"ayuu yiri João.

"Ma ahan nooc kansar ah oo aad dadka kala hadli karto sababtoo ah waxaa loo rogi karaa kaftan,"ayuu intaa raaciyey.

Kansarka xubinta taranka ee ragga waa naadir, laakiin tirada kiisaska iyo heerka dhimashada adduunka ayaa sii kordhaysa.

'Waxaan ka baqay qalliin'

Magaalada uu ku dhashay ee João, waa mid ka mida magaalooyinka heerarka ugu sareeya uu ka marayo kiisaskaas oo kale dalka Brazil. Boqolkii kun oo raggaba 2.1 ayaa kiisaskaas laga helaa siday lagu sheegay daraasado dhawaan la sameeyey.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Brazil, waxaa dalka laga soo sheegay 21 kun oo kiis intii u dhaxaysay 2012 iyo 2022-kii

Ilaa afar kun oo kiis ayaa dhimasho ahaan loo diiwaan galiyey tobbankii sano ee la soo dhaafay. Intaa waxaa dheer, 6,500 qalliin oo lugaha laga gooyay ayaa la sameeyay.

Tirada ugu badan ee kiisaska ayaa lagu arkay gobolka ugu saboolsan Brazil, Maranhao, iyadoo boqolkiin ninba laga helay 6.1 xaaladood.

Calaamadaha kansarka xubinta taranka waxay inta badan ku bilowdaan nabar aan bogsanayn oo ku yaal xubinta taranka iyo dheecaanka leh ur xooggan.

Daaweynta xilliga hore, waxaa jirta fursad lagu daweyn karo iyo habab ay ka mid yihiin in qaliin lagu sameeyo lana saaro meesha dhaawaca ah, taas oo loo adeeganayo daaweynta shucaaca iyo kiimoterabiga.

Laakiin hadii an la daweyn waxaa dhici karta in mesha laga saaro qayb ama dhammaan xubinta ragga iyo suurtogalka xubno kale oo u dhow aagaas, , sida xiniinyaha, ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto.

João, waxaa uu sheegay inay waqti adag u ahayd isaga markii bishii janaayo ee hore qaliin lagu sameeyey lagu gooyey xubintiisa taranka

"Ma ahan wax uu qof u maleynayo inuu iyaga ku dhici karo, marka ay adiga kugu dhacdo, ma tagi kartid oo dadka uma sheegi kartid.

"Aad ayaan uga baqay qalliinka, laakiin ma jirin wax beddel ah. Toddobaadyadii qalliinka ka dambeeyay ayaa aad u dhib badnaa. Ma diidi karo. Waa wax aad u xun in qayb ka mid ah xubinta taranka ay maqan tahay."ayuu intaa raaciyey.

Waa maxay xanuunka ku dhacay raggan ee sababay in laga jaro xubinta taranka? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, SBU

Bukaanada qaarkood waxaa lagu sameeyaa qalliin dhammaystiran oo goyn ah kaas oo gabi ahaanba beddelaya noloshooda.

Thiago Camelo Mourão, oo ka socda waaxda Urology ee Xarunta Kansarka ee AC Camargo ee Sao Paulo, ayaa sharaxay habkaas.

"Xaalada qayb ahaan la gooyey, kaadidu way sii socotaa inay ka soo baxdo xubinta taranka, si kastaba ha ahaatee, goynta dhamaystiran, godka kaadida waxaa la gelin karaa aagga perineum ee u dhexeeya xiniinyaha iyo futada, sidaas darteed, bukaanku waa inuu kaadiyaa isagoo ku fadhiya musqusha."

Sida laga soo xigtay khubarada, qaar ka mid ah arrimaha halista u ah kansarka xubinta taranka ayaa ah buuryada oo ciriiri ah, oo loo yaqaan phimosis, iyo sigaar cabista.

Nadaafadda shakhsi ahaaneed waxay sidoo kale noqon kartaa sabab khatar ah, ayuu yiri Mauricio Dener Cordeiro oo ka tirsan Hay'adda Urology ee Brazil.

"Haddii ninku aanu wanaagsan u nadiifin xubinta taranka oo aanu si fiican u nadiifin buuryada, dheecaanku wuu urursan karaa, sidaas awgeed, jawi ku habboon bakteeriyada ayaa abuurmaya.”ayuu yiri Mauricio

"Haddii xaaladdan lagu soo celiyo, arrin halis u ah samaynta burada ayaa dhacda."

Waa maxay xanuunka ku dhacay raggan ee sababay in laga jaro xubinta taranka? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nadaafada, Cordeiro wuxuu xusay in caabuqyada ka yimaada fayraska papillomavirus (HPV), oo ah koox guud oo fayraska ah, ay yihiin "mid ka mid ah arrimaha halista ugu weyn." HPV waxa uu keeni karaa kansarka afka iyo xubinta taranka e ragga. Tallaalka ballaaran ee HPV waa lama huraan sababtoo ah waxtarkiisa sare ee ka hortagga dhaawacyada.”ayuu intaa ku daray Corderio.

In kasta oo si sahlan looga heli karo tallaalka Brazil, heerka tallaalka HPV ee gabdhaha waa 57 boqolkiiba mana dhaafo 40 boqolkiiba wiilasha, heerka tallaalka ee looga hortagayo cudurka waa 90 boqolkiiba, Sida lagu sheegay xogta caafimaadka dalkaasi.

Corderio waxa uu aaminsan yahay in warwarka ku saabsan tallaalka, shakiga ku saabsan waxtarkiisa, iyo olole la'aanta tallaalku ay door ka ciyaaraan hoos u dhigista heerka.

Laakiin dhibaatadu maaha Brazil oo keliya. Marka loo eego cilmi-baaristii ugu dambeysay ee kansarka guska, tirada kiisaska ayaa sii kordheysa adduunka oo dhan.

2022, joornaalka JMIR Public Health and Surveillance ayaa daabacay natiijooyinka falanqaynta guud ee xogtii ugu dambaysay ee 43 wadan.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarista, tirada ugu badan ee kiisaska intii u dhaxaysay 2008 iyo 2012 ayaa lagu arkay Uganda (2.2 boqolkiiba 100 kun oo nin). Dalkan waxa ku soo xigay Brazil oo 100kii kun ee rag ah 2.1 xaaladood iyo Thailand oo 100 kun oo ninba 1.4 xaaladood. Kiiskii ugu hooseeyay ayaa lagu arkay Kuwait, iyadoo 0.1 kiis 100 kun oo nin.

Cilmi-baadhis ay sameeyeen kooxda ay hoggaaminayaan Leiwen Fu iyo Tian Tian oo ka tirsan Jaamacadda Sun Yat-Sen ee Shiinaha, ayaa lagu sheegay in "In kasta oo waddamada soo koraya ay weli wataan culayska ugu weyn ee kiisaska kansarka xubinta taranka iyo dhimashada, tirada kiisaska ayaa sidoo kale sii kordheysa. inta badan wadamada Yurub”.

Tirada kiisaska England waxay kor u kacday min 1.1 ilaa 1.3 100 kun oo nin intii u dhaxaysay 1979 iyo 2009, halka Jarmalka, tirada kiisaska ayaa kor u kacday 1.2 ilaa 1.8 100 kun oo nin intii u dhaxaysay 1961 iyo 2012. Waxaa la diiwaangeliyay in ay kordheen konton boqolkiiba.

Diiwaanka Kansarka Caalamiga ah ayaa saadaaliyay in tirooyinkani ay kordhin doonaan. Hay’adda ayaa sheegtay in tirada adduunka ee kiisaska kansarka xubinta taranka ay sare u kacdo in ka badan 77 boqolkiiba marka la gaaro 2050-ka.

Khubaradu waxa ay sheegeen in kiisaska ugu badan lagu arko ragga da’doodu ka yar tahay 60-ka, waxana ay ku nuuxnuuxsadeen in kororka tirada kiisaska ay sabab u tahay da'da dadka.

"Kansarka xubinta taranka waa cudur naadir ah oo si aad ah looga hortegi karo. Waa muhiim in ragga da' kasta leh ay ku dhaqdaan xubintooda saabuun iyo biyo maalin kasta iyo sidoo kale galmada ka dib," ayuu yiri Cordeiro.

João wuxuu hadda sugayaa natiijada ugu dambeysa ee baaritaanka, taasoo uu heli doono dhowr bilood gudahood.

"Waxaan aaminsanahay in baaritaanadu ay muujin doonaan inaan bogsaday," ayuu yiri.

"Kadib markii la gooyay, wax xanuun ah ma qabo, waxaana dareemaya fiicnaansho, laakiin inta noloshayda ka dhiman, waa inaan wajaho xaqiiqda ah in xubinta taranka la iga jaray."

Sida laga soo xigtay Cancer Research UK, in ka badan 90 boqolkiiba ragga laga helay kansarka xubinta taranaka waxay noolaan karaan shan sano ama ka badan haddii uusan kansarku ku faafin qanjidhada u dhow.

Waa maxay xanuunka ku dhacay raggan ee sababay in laga jaro xubinta taranka? - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Sen. Ignacio Ratke

Last Updated:

Views: 6097

Rating: 4.6 / 5 (76 voted)

Reviews: 83% of readers found this page helpful

Author information

Name: Sen. Ignacio Ratke

Birthday: 1999-05-27

Address: Apt. 171 8116 Bailey Via, Roberthaven, GA 58289

Phone: +2585395768220

Job: Lead Liaison

Hobby: Lockpicking, LARPing, Lego building, Lapidary, Macrame, Book restoration, Bodybuilding

Introduction: My name is Sen. Ignacio Ratke, I am a adventurous, zealous, outstanding, agreeable, precious, excited, gifted person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.