Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada - BBC News Somali (2024)

Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Article information
  • Author, Cabdirisaaq Axmed Xasan
  • Role, Cilmibaadhe iyo taariikh ururiye

Saddexdii Oktoobar sannadkii 1993-kii waxay ahayd maalin ku reebtay Soomaaliya iyo caalamka xasuus aan la illoobi karin. Soddon sano ayaa maanta laga joogaa. Bal aan dib u eegno wixii dhacay maalintaas.

Maalintaas waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal reebay taariikh lama illoobaan ah oo keenay dhimasho iyo dhaawac fara badan iyo burbur kadib markii ay ciidamada mareykanka ee leh tababarka ugu fiican ee oo loo yaqaan Rangers iyo Delta Force ay kusoo qaadeen guri ku dhow isgoyska Hawlwadaag iyagoo doonaya iney sameeyaan hawlgal kooban oo lagu soo qabanayo rag sarsare oo ka tirsanaa la taliyayaasha Jenaraal Caydiid oo uu amar ku bixiyey Jonathan Howe, taliyaha ciidanka Qarammada Midoobey ee Soomaaliya jooga (UNOSOM II) in la soo qabto.

Howe wuxuu ahaa jenaraal hawlgab noqday oo ka tirsanaan jirey ciidanka badda Mareykanka oo jagadaas loo magacaabay iyadoo Mareykanka lagu raalligelinayo. Kadibna waxaa qarxay dagaal culus oo aaney mareykanku ku xisaabtamin kaasoo ay u bixiyeen iyagu “ Battle of Mogadishu” ama “Black Hawk Down incident.” Soomaaliduna waxay u taqaan maalintii Rangers-ka ama sagaalkii Bakaaraha. Saacado badan ayuu dagaalkaasi qaatay, duhurnimadii ilaa habeenkii oo dhan ilaa subaxdii dambe waaberigii.

Haddii aysan dhinaca Soomaalidu sameyn lahayn debacsanaan dagaalku wuxuu qaadan lahaa waqti intaas ka badan, khasaaruhuna wuu kusii badan lahaa labada dhinacba.

  • Madaxweynaha Djibouti oo u diray caalamka digniin la xiriirta Soomaaliya

  • Xannaan: Halkay iskala qaadeen gabadhan Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Carbeed?

  • Sababtii uu Cali Dheere u diiday in uu filim la jilo Kareena, iyo sheekooyin kale oo aadan ogeyn xiddigahan

Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, U.S Army

Boqolaal ka tirsan ciidanka xulka ah ee Mareykanka gaar ahaan Rangers iyo Delta Forece iyo tobanaan diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Black Hawk iyo Cobra iyo gaadiidka dhulka ayay soo geliyeen Mareykanku dagaalkaas. Markii intaas oo leysku daray ay awoodi weysey iney muquuniyaan shacabkii rayidka ahaa ee magaalada Muqdisho ayay Mareykanku si khasab ah dagaalka kusoo geliyeen ciidammo ka socdey dalalka Pakistan iyo Maleysia. Laakiin taasina waxba sooma kordhin, oo dagaalkii wuu sii xoogeystey. Kolkaa ayay madaxdii ciidammada Mareykanku raadiyeen xal nabadeed iyo in la kala gurto meydadka iyo dhaawaca, dagaalkuna intaas ku ekaado maalintaas. Sidaas ayaana dhacday.

Khasaaraha soo gaarey dhinaca Mareykanku wuu badnaa oo wuxuu ahaa kii ugu weynaa ee soo gaadha ciidan Mareykan ah tan iyo dagaalkii Fiyetnam. 18 askari ayaa laga diley, lix diyaaradoodna qaar waa lasoo ridey qaar kalena waxaa soo gaarey burbur culus, hal duuliye ayaa isna lagu qabtay nolol, 73 askarina waa laga dhaawacay. Baabuur badan oo dagaal iyo kuwa waaweyn ee ciidanka qaada ayaa laga gubey Mareykanka. Hal askari oo ka tirsan ciidanka dalka Maleysiya ayaa isagana la diley, 7 kalena waa la dhaawacay, 4 baabuurta dagaalka ee gaashaaman ee badda iyo dhulka ku socota iyagana waa laga burburiyey ciidankii Maleysiya. Ciidammada Pakistan waxaa laga dhaawacay laba askari.

Dhinaca Soomaalida lama tiro koobin khasaaraha waayo dagaalka waxaa galay dad rayid ah oo iska difaacayey duulaanka Mareykanka oo taageereyaal u ahaa Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, mana jirin dawlad iyo nidaam hoggaamineed oo dagaalka maareeya, dhibaatadana xisaabiya. Boqolaal Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalkaas taariikhda reebay, laakiin taas ma aysan ka murugoonin dhinaca Soomaalidu in badan kol haddii ay guushii heleen, cadowgii soo duuleyna jebiyeen.

  • Waa ayo labada muuqaal duube ee geeridooda ay ka naxeen fanaaniinta Soomaaliyeed?

  • Sida hees la qaaday 70 tameeyadii ay ugu dhex faaftay dhallinta Soomaalida iyo Itoobiyaanka

  • Jaceylkii Maryan Mursal iyo Axmed Cigaal iyo heybsooca guurka Soomaalida

Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad rayid ah oo careysan oo ciilqaba oo hubka qaatay ayaa galay dagaalkaas ee ma ahayn dagaal ay dad gaar ah hoggaaminayeen ama urur hawgelinayey. Waxaanse la hilmaami karin kaalintii ballaadhneyd ee ay dagaalkaas ku lahaayeen rag culimo ah oo Soomaaliyeed oo iskood isu xilqaamay oo ka dhiidhiyey faragelinta Mareykanka iyo guud ahaan ciidammada shisheeye. Diyaaradaha helikobtarrada Mareykanaka iyagaa soo ridey culimadaasi, sidoo kalena iyagaa gubey afarta baabuur ee gaashaaman ee ay lahaayeen ciidammada dalka Maleysiya.

Sidoo kale iyagaa raggaasi ka dambeeyey miinooyin dhulka lagu aasay oo lagu qarxiyey ciidammada Mareykanka ee Muqdisho jooga oo lagu diley tobaneeye ka mid ah ciidankaas oo ay ugu dambeysey qarax lala eegtay isla subaxnimadii 3-da Oktoobar 1993-kii gaadhi ciidanka Mareykanku leeyahay (Humvee) oo ay saarnaayeen dhawr askari, taasoo sababtay inuu gaadhigii burburo, uuna ku dhinto turjubaan Soomaali-American ah. Xilligii ay soo galeen ciidamada Mareykanku Soomaaliya ayay culimadaani billaabeen iney is urursadaan oo isu diyaariyaan sidii leyska difaaci lahaa duulaanka Mareykanka markii ay la tashadeen culimadii waaweyneyd ee dalka. Waana halkaas meesha la sheego iney ururka alQaacida ku lug lahaayeen dagaalkii 1993-kii, mase jirin carab ama ajnabi kale oo dagaalkaas ka qaybqaatay.

Mareykanku gaar ahaan ciidammadu way xusaan dagaalkaas sannad kasta, qoraallo iyo filimmo kala duwanna way ka sameeyaan, baroordiiq iyo tiiraanyona way ku xasuustaan maalintaas. Waxa ugu daran ee aysan marnaba illaabin Mareykanku waa askarigii Mareykanka ahaa ee lagu jiidjiidey suuqayada iyo jidadka magaalada Muqdisho oo ay haweenka Soomaaliyeed ku joogjoogsadaan askariga iyo sharaf-dhacii kasoo gaarey Mareykanka dagaalkaas guud ahaan. Taasoo ku khasabtay iney qirtaan jabkooda oo ay ku dhawaaqaan iney ciidammadooda kala baxayaan Soomaaliya iyo iney weliba iska dhaafayaan iney raadiyaan jenaraal Caydiid oo ay ku sheegaan dembiile. Waxaa leysku raacdan yahay inuu halkaas ku burbureen dhammaan qorsheyaashii iyo damacyadii kala duwanaa ay USA ka lahayd Soomaaliya iyo weliba kuwii Qarammada Midoobey iyo xoghayaheedii guud Dr Butrus Qaali.

Waxaa leysku raacsan yahay in jabkaas kasoo gaadhey Mareykanka dagaalkii 3-dii Oktoobar sababay inuu boqol sano iyo ka badan dib u dhaco qorsheyaashii Mareykanku ka lahaa dunida sida in la qabsado dal xor ah oo madaxbannaan oo sidii la doono laga yeelo aayihiisa iyadoo lagu marmarsiyoonayo cutubka 7-aad ee xeerka Qarammada Midoobey. Iney Soomaaliya noqoto meel lagu tijaabiyo hirgelinta damaca Mareykanka iyo fulinta cutubka 7-aad ee QM ayay la doonayey, sida lagu maahmaaho “Gol ey ayaa lagu sahmiyaa.” Gabagabadii maalinta 3-da Oktoobar waa maalin taariikh weyn ku leh caalamka oo dhan oo loo baahan yahay iney Soomaalidu fahamto qiimaheeda iyo guusha ay gaadhey.

Warbixintan waxaa qoray Cabdirisaaq Axmed Xasan, oo ah Cilmibaadhe iyo Taariikh-ururiye islamarkaas na goobjoog u ahaa dhacdan. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.

Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Roderick King

Last Updated:

Views: 6181

Rating: 4 / 5 (71 voted)

Reviews: 94% of readers found this page helpful

Author information

Name: Roderick King

Birthday: 1997-10-09

Address: 3782 Madge Knoll, East Dudley, MA 63913

Phone: +2521695290067

Job: Customer Sales Coordinator

Hobby: Gunsmithing, Embroidery, Parkour, Kitesurfing, Rock climbing, Sand art, Beekeeping

Introduction: My name is Roderick King, I am a cute, splendid, excited, perfect, gentle, funny, vivacious person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.