Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (2024)

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Social media

Xafladda arooska ciyaartooyga 31 jirka ah ee u dhashay dalka Senegal, Sadio Mane oo dhawaan ka dhacday dalkiisa ayaa siweyn looga hadal hayaa baraha bulshada.

Munaasabada meherka ayaa la rumeysan yahay in ay ka dhacday 7-dii bishan Janaayo deegaanka Keur Massar oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Dakar, ayaa waxaan ka soo qeyb galay xubno ka tirsan qoyskiisa, asxaab iyo ciyaartoy badan oo kubadda cagta ah sida warbaahintu ay tabisay.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool, haddeerna u ciyaara kooxda Al-Nassr ee Sacuudi Carabiya, Sadio Mane ayaa waxaa nolosha uu kula midoobay oo uu guursaday Caa'isho Tamba ah 19 jir u dhalatay dalka Senegal.

Sawirro laga soo qaaday arooska ayaa si weyn looga faafiyay baraha bulshada, kuwaasoo muujinaya lammaanaha oo faraxsan oo gacmaha is haysta.

  • Wararka dheeraadka ah ee laga helayo dadkii iyo dayaaraddii ay Al Shabaab gacanta ku dhigeen

  • Waa kuma garsooraha Soomaaliga ah ee maanta dhageysanaya dacwadda 'xasuuqa' ee laga gudbiyay Israa’iil

  • Soomaali ka walaacsan waddankii ay nabadgalyada bideen oo u sheegaya in ay hub gataan dagaalna u diyaar garoobaan

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Sadio Mané X

Weeraryahankii hore ee Liverpool, una ciyaara kooxda horyaalka Sacuudiga ee Al-Nassr, iyo gabadha uu guursaday ayaa xariirkooda ahaa mid qarsoon ilaa warka ku saabsan arooskiisa aad loogu faafiyay baraha bulshada.

Arooska ka dib, Mane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay, waxaana uu u mahadcelinayay kabtanka xulka Senegal iyo dhamaan dadweynaha u soo hambalyeeyay.

"Runtii, waan ku faraxsanahay in madaxwaynuhu uu ii soo hambalyeeyay iyo saaxibada kale”ayuu u sheegay warbaahinta.

Xafladda guurka Sadio Mane ayaa ku soo beegantay ayada oo maalmo kooban ay ka harsan tahay bilowga Koobka qaramada Afrika oo ciyaarta ugu horeysay xulka Senegal oo uu hogaaminayo Sadio Mane ay la ciyaari doonaan Gambia.

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Social media

  • Wararka dheeraadka ah ee laga helayo dadkii iyo dayaaraddii ay Al Shabaab gacanta ku dhigeen

  • Waa kuma garsooraha Soomaaliga ah ee maanta dhageysanaya dacwadda 'xasuuqa' ee laga gudbiyay Israa’iil

  • Soomaali ka walaacsan waddankii ay nabadgalyada bideen oo u sheegaya in ay hub gataan dagaalna u diyaar garoobaan

Waa tuma Caa'isha Tamba gabadha uu guursaday Sadio Mane?

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Sadio Mané X

Sida laga soo xigtay warbaahinta Senegal, Caa’isha waxa ay ku dhalatay Casamance, oo ah magaalo xuduud la leh Bambali oo ah tuulada uu ka soo jeedo Mane, horeyna uu uga hirgaliyay isbitaal iyo masaajid.

Caa’isho oo ah araday 19 jir ah, waxna ka barata Dugsiga Cabis, waxaa ay ku hadashaa luqadda Mandingo oo looga hadlo qaybo ka mid ah Senegal iyo Gambia, kaas oo ninkeeda uu sidoo kale ku hadlo sida warbaahinta laga soo xigtay.

Xariirka lamaanahan ayay warbaahintu sheegtay in uu soo billowday markii Mane uu u ciyaari jiray kooxda Liverpool, markaas oo uu ballan ka qaaday gabadha uu hadda la aqal galay.

Sannadkii 2022, mar uu ka hadlayay qofka uu guursan doono Sadio Mane waxa sheegay in uu rabo qof aan isticmaalin baraha bulshada.

"Waxaan arkay gabdho badan oo i weydiinaya sababta aan u guursaneyn, laakin waxaan ugu jawabay 'waa ka xumahay mar rabo in aan waqti idin ka dhumiyo', gabadha aan guursan doono ma ahan mid ku jirta baraha bulshada” ayuu yiri ' Mane.

“Waxaan rabaa in aan guursado gabar Alle ku xiran oo si fiican u tukata, qof kastaa wuxuu leeyahay qaab u gaar ah oo uu ku dooran karo jacaylka iyo lamaanaha “ayuu raaciyay.

Inkastoo laacibkaan uu yahay mid ka mid ah wejiyada caanka ah ee kubadda cagta, haddana waxaa u suurta gashay inuu xiriirkooda uu nqdo mid aan aysan ogayn dadweynaha.

  • Mar la sheegay in David Beckham uu "gogol dhaaf sameeyay" iyo wixii ay xaaskiisa sameysay

  • Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Soomaaliya

  • Sida baadarigan uu u qariyey burburka dhismihii ay dadka badan ku dhinteen

Sidee ayay isku barteen?

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Social media

Sida warbaahintu ay qortay lamaanaha is yaqaanay tan iyo markii ay Caa’isho qaangaartay' inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta ay wada socdeen.

Ciyaaryahanka kubadda cagta ayaa markii ugu horreysay jacaylkiisa u soo bandhigtay Caa'isha iyadoo 16 jir ah, laakin si rasmi ah uma uusan xiriirin xiligaas, sida laga soo xigtay Sports Brief.

Adeerkeed oo ay saaxiibo ahaayeen ayuu ka doonaya taas oo keentay inay aakhirka midoobaan.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka bixinayay kharashka intii dugsiga ay ku jirtay qoyskeedana uu daryeeli jiray.

Lamaanahan oo labadu muslim ah ayaa hadda waxaa ay yihiin kuwo si weyn baraha bulshada looga hadal hayo.

Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro) - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Merrill Bechtelar CPA

Last Updated:

Views: 5699

Rating: 5 / 5 (70 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Merrill Bechtelar CPA

Birthday: 1996-05-19

Address: Apt. 114 873 White Lodge, Libbyfurt, CA 93006

Phone: +5983010455207

Job: Legacy Representative

Hobby: Blacksmithing, Urban exploration, Sudoku, Slacklining, Creative writing, Community, Letterboxing

Introduction: My name is Merrill Bechtelar CPA, I am a clean, agreeable, glorious, magnificent, witty, enchanting, comfortable person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.