Maxaa Soomaaliya uga qorshaysan Furuqa daayeerka ee Afrika looga dhawaaqay - BBC News Somali (2024)

Maxaa Soomaaliya uga qorshaysan Furuqa daayeerka ee Afrika looga dhawaaqay - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, reuters

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo dagdag ah taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika.

Waa markii ugu horeysay ee ay hay’adda caafimaadku xaalad noocaan ah oo kale ku dhawaaqdo tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2016.

Guddi khubaro ah ayaa go’aankan si aqlabiyad leh u taageeray, iyadoo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO sheegtay in cudurkani uu ku faafay ilaa 26-dal oo dunida ah. Lix iyo toban kamid ah dalalka uu cudurkani ku faafay waxa ay ku yaaliin Afrika.

Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa laga soo sheegay culeyska ugu badan ee cudurkaan waxaana jira kiisas dhimasho ah.

Dalalka kale ee uu cudurkani ku faafay waxaa kamid ah Kenya, Uganda, Rwanda iyo Burundi.

Soomaaliya cabsi noocee ah ayay ka qabtaa cudurka furuqa daanyeerka maxaa talaabo ah oo ay ilaa iyo hadda qaaday?

Sahra Ciise Maxamed oo ah madaxa la socodka iyo ka jawaabista cudurada faafa ee Soomaalia ayaa BBC-da u sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ku ay baraarugsan yihiin, ‘’Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada waxa ay bilowday wacyigalin dadka loo sameynayo, waxaana ku baaqnay in qofkii lagu arko calaamado muujinaya xanuunka la geeyo goobaha loo asteeyay,’’ ayay tiri Sahra.

Waxa ay intaa ku dartay in shaqaalaha ku sugan xarumaha caafimaadka loo tababaray calaamadaha iyo wax kasta oo la xiriira cudurka furuqa daanyeerka iyo sida ay ula tacaali lahaayeen.

Dhanka kale Sahra Ciise waxa ay soo hadal qaaday in ilaa iyo haatan aysan arkin wax kiis ah oo la xiriira cudurka Afrika ku faafaya ee furuqa daanyeerka, iyadoo sheegtay in ay muujinayaan feejignaan dheeri ah.

Waa maxay MPox ama furuqa daanyeerka?

Maxaa Soomaaliya uga qorshaysan Furuqa daayeerka ee Afrika looga dhawaaqay - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, AP

Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

Waxaa jira laba nooc oo waaweyn kuwaas oo mudooyinkii danbe laga diiwaan galiyay cayayaanka, mid kamid ah waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid si dhaqsi leh ku faafa kaas oo aanan saameyn weyn laheyn, halka midka kale uu yahay mid dilaa ah, waxaana lagu tiriyaa xayawaanada in laga qaado.

Dunida ayaa mar qura ku baraarugtay xanuun faafa kaas oo lagu magacaabo COVID-19 kaas oo si xowli ah ku faafay guud ahaan caalamka, balse midkaan hadda ee MPOX ayaa ka bilowday Afrika waxa uuna ilaa haatan ku faafay dalal aan badneyn walow durba qaylo dhaan laga muujiyay.

29kii Luulyo, Xarunta Yurub ee Ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurku waxay sheegtay in khatarta fayraska mpox ay "aad u hoosayso" Yurub.

Qaar kamid ah calaamadaha Furuqa daanyeerka ‘MPox’

Calaamadaha lagu garto furuqa daanyeerka, waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, barar, dhabar-xanuun iyo muruqyada oo xanuuna qofka.

Marka qofka ay qandhada ka jabo waxaa ku hara nabro yaryar oo jirka ah, badanaa nabraha ayaa ka soo baxa wajiga, ka dibna waxa ay ku faafaan qeybaha kale ee jirka sida calaacalaha gacmaha iyo cagaha.

Finanka nabraha ah ee qofka ka soo baxa ayaa ah kuwo xanuun badan oo ay biyo fariistaan ilaa ugu danbeyn ay qalalaan.

Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga, wuxuu u gudbaa indhaha, sanka ama afka.

Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xoogaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.

Feyraskan waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Sida caadiga ah caabuqa nabarada ayaa iska baaba'a inta u dhaxeysa 14 ilaa 21 maalmood.

Maxaa Soomaaliya uga qorshaysan Furuqa daayeerka ee Afrika looga dhawaaqay - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Wadaaddo iyo Wiilwaal: Sheeko | maktabadda
AgriFORCE Growing Systems - AGRI - Stock Price Today
Bank Of America Financial Center Irvington Photos
Star Sessions Imx
Restaurer Triple Vitrage
Craigslist Cars And Trucks For Sale By Owner Indianapolis
Poplar | Genus, Description, Major Species, & Facts
Directions To Lubbock
Whiskeytown Camera
Nissan Rogue Tire Size
Jenn Pellegrino Photos
Q33 Bus Schedule Pdf
Best Forensic Pathology Careers + Salary Outlook | HealthGrad
111 Cubic Inch To Cc
Andhrajyothy Sunday Magazine
Uta Kinesiology Advising
Hobby Stores Near Me Now
Allybearloves
Cvs El Salido
What Channel Is Court Tv On Verizon Fios
Yisd Home Access Center
Yog-Sothoth
Surplus property Definition: 397 Samples | Law Insider
Boxer Puppies For Sale In Amish Country Ohio
Harbor Freight Tax Exempt Portal
Leben in Japan – das muss man wissen - Lernen Sie Sprachen online bei italki
Joann Fabrics Lexington Sc
Bend Missed Connections
The Goonies Showtimes Near Marcus Rosemount Cinema
My Dog Ate A 5Mg Flexeril
Lawrence Ks Police Scanner
Craigslist Free Stuff San Gabriel Valley
Deleted app while troubleshooting recent outage, can I get my devices back?
Appleton Post Crescent Today's Obituaries
Usf Football Wiki
Pinellas Fire Active Calls
Today's Gas Price At Buc-Ee's
877-292-0545
Infinite Campus Farmingdale
Tgirls Philly
Tattoo Shops In Ocean City Nj
Strange World Showtimes Near Century Stadium 25 And Xd
Borat: An Iconic Character Who Became More than Just a Film
Copd Active Learning Template
Cvs Minute Clinic Women's Services
Campaign Blacksmith Bench
Craigslist Psl
Spongebob Meme Pic
Ret Paladin Phase 2 Bis Wotlk
Naughty Natt Farting
Basic requirements | UC Admissions
Scholar Dollar Nmsu
Latest Posts
Article information

Author: Greg O'Connell

Last Updated:

Views: 5933

Rating: 4.1 / 5 (42 voted)

Reviews: 81% of readers found this page helpful

Author information

Name: Greg O'Connell

Birthday: 1992-01-10

Address: Suite 517 2436 Jefferey Pass, Shanitaside, UT 27519

Phone: +2614651609714

Job: Education Developer

Hobby: Cooking, Gambling, Pottery, Shooting, Baseball, Singing, Snowboarding

Introduction: My name is Greg O'Connell, I am a delightful, colorful, talented, kind, lively, modern, tender person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.