103+ Erayo Amaan Dumar Oo Macaan Better Sagaal (2024)

Markaan ka-hadlayno arrimaha jacaylka. erayadu waxay door muhiima ka qaataan, muujinta dareenkeena. iyo amaanta qofka aan jecel nahay.

Badanaa waxaan raadinaa amaan dumar. ama erayada ugu haboon, een qofka ugu qeexi karno, waxaan ka dareemayno gudaha qalbiga.

Waxaadna ogaataa, sideedaba haweenku waxa ay jecel yihiin in la-amaano oo loo qushuuco.

Hadaba ereyadan amaantaa waxay kaa caawinayaan. inaad gabadha ug muujiso dareenkaada, qaab amaana oo wanaagsan.

Habka ugu wanaagsan eed qof sheeko kula billaabi kartana, waa inaad amaantaa.

Inkastooy tahay habka ugu fiican eed qofka ku dareensiin karto. inuu yahay qof wanaagsan oo la-jecel yahay. Hadana maaha qofka inaad bunbuuniso ood si xad-dhaafa u amaanto.

Waa inaad marka hore ogaataa waxay ku fiican tahay, kadibna aad ku amaantaa.

Amaanta ugu jecel yihiina dumarku. waa mida runtaa, daacadaa ee qalbiga qofka ka imaata. Markaad ereyadan gabadha ku dhahdo waxay dareemi. iney tahay qof qiimo badan oo qaaliya.

Table of Contents

103 erayo amaan dumar ah, ood ku dhihi karto gabadha.

inaad amaanto gabadhaada, waa habka ugu wanaagsan eed ku muujin karto dareenkaada. iyo habkaad u wanaajin karto, qalbiga gabadhaada.

Amaanta dumarka oo ku saabsan muuqeeda iyo shaqsiyadeeda

  • 1. Waan ka helaa kaftankaada
  • 2. Gabadhaydi, markasta waad nuuraysaa, aad ayaad u qurux badan tahay.
  • 3. Waan jeclahay hab-dhaqankaada wanaagsan.
  • 4. Meel kastood marto, waad iftiimisaa.
  • 5. Wax ka qurux-badan ma-jirto dhoola-cadayntaada.
  • 6. Luuqadaada jidhka waxaa ka muuqata kalsooni badan, waan ka helay.
  • 7. Waan jeclahay muuqaada quruxda badan.
  • 8. Waxaad leedahay shaqsiyad wanaagsan, ma-dareemo cajis, markaan agtaada joogo.
  • 9. Waan ka helaa sidaad iskugu kalsoon tahay.
  • 10. Waad carfaysaa
  • 11. Indho qurux badan ayaad leedahay.
  • 12. Dareen cajiiba ayaad leedahay.
  • 13. Dad badan ayaad tusaale u tahay.
  • 14. Waad qurux badan tahay, waadna akhlaaq badan tahay.
  • 15. Waanba la-cajabaa sidaad ugu muuqato qof dagan, xaalad kasta.
  • 16. Masha-allaah, waxaa tahay gabadh adag, oo caqli badan runti.
  • 17. Maanta waad shidan tahay.
  • 18. Waad ku nuuraysaa dharkan.
  • 19. Aad ayaad u qurux badan tahay, wayba adag tahay in la-aamino, inaa tahay qof caadiya. Caalam kale miyaad ka imaatay.
  • 20. Allihi ku sameeyay ayaaba mahad iska-leh, waadba dhamaystiran tahay.

mawduucyada kale ee la xidhiidha.

erayo macaan ood ku dhihi karto ninkaada
faa’idooyinka ay leedahay askaabulanimada
calaamadaha jaceylka beenta ah

Amaanta dumarka oo ku saabsan shaqadeeda iyo guulaheeda.

  • 21. Waxaa tahay ruux uu jeclaan lahaa qofkasta, inuu la-shaqeeyo.
  • 22. Markasta erayga munaasabka ah, ayaad sheegtaa.
  • 23. Akhlaaqdaada shaqada, waa mid cajiiba.
  • 24. Waan ka helaa xamaasadaada.
  • 25. Kartidaada lama dafiri-karo marnaba.
  • 26. Waxaa tahay macalimadi ugu wanaagsanayd, een abid arko.
  • 27. Waxaa ahay taageerahaada koowaad.
  • 28. Waxaa tahay qof isku-kalsoon, dhiirran oo firfircoon. Waligaa ha-badalin sifooyinkan tayada badan, ee alle kuugu deeqay.
  • 29. Hab-dhaqankaadan togan, waa mid saamayn igu leh.
  • 30. Markasta wax badan ayaan kaa bartaa.
  • 31. Waan ka helaa sidaad ugu kalsoon tahay asxaabtaada.
  • 32. Miyey jiraan waxaadan qaban karinba.
  • 33. Waa cajiib sidaad iskugu-wado, shaqadaada iyo noolashaada.
  • 34. Waad caqli badan tahay.
  • 35. Markasta shaqadaada waad kasoo dhalaashaa. Waxaa tahay khabiirad.
  • 36. Waan ka helaa markasta fikradahaada.
  • 37. Hal-abuurkaada waan ka-yaabaa, waa kuwo soo-jiidasho leh markasta.
  • 38. Wax-qabadkaada waa mid muuqda.
  • 39. Waxaa tahay gabadh aan caadi ahayn, waxkasta waad qaban kartaa.
  • 40. Aragtidaada marwalba, waa mida guusha noo hor-seeda.

Amaanta dumarka ood ku-dhihi karto xaaskaada

  • 41. Ma-jiro qof sidaada oo kale iiga farxiya.
  • 42. Noolashayda ayaad iftiimisaa.
  • 43. Waxaad ii tahay, waxkasta.
  • 44. Markasta si fiican ayaad ii fahantaa, waxa qalbigayga ku-jira miyaad akhrisaa?
  • 45. Waan jeclahay qayb kastoo kamida jidhkaada.
  • 46. Markasta waxaad jeceshahay inaan noqdo say wanaagsan, waan noqon mid u qalma jacaylkaada.
  • 47. Waxaa mahad iska-leh, allihi ikaa siiyay.
  • 48. Noolashayda ayaad shamac u tahay.
  • 49. Waan kugu faanaa.
  • 50. Waxaa tahay riyadaydi oo ii rumowday.
  • 51. Noolashadi adigaan ku siiyay.
  • 52. Gabadh cajiiba ayaa tahay dhinac kasta.
  • 53. Waxaad banaanka keentay kartidaydi.
  • 54. Waan ku faraxsanahay, inaan adiga halkan kula-joogo.
  • 55. Waxaad darawal ka-tahay farxadayda iyo horumarkayga.
  • 56. Agtaada waxaan ka-helaa daganaansho.
  • 57. Waan ka helaa markasta muuqaada, hab isii-bal.
  • 58. Qofkastoo kuhelaa, wuu nasiib badan yahay. Laakin alle ayaaba iga dhigay, qofka ugu nasiibka badan.
  • 59. Waxaad sabab u tahay farxadayda.

Amaanta dumarka oo soo jiidaho leh.

  • 60. Rajadaada iyo wanaagaadaba waa mid dareen fiican leh.
  • 61. Markaad qoslayso, aad ayaad u qurux badan tahay.
  • 62. Ag-joogaada waxaan ka helaa nashaad badan.
  • 63. Waxaa tahay saxiibkaygi ugu qaalisanaa iyo wehelkayi dambiyada.
  • 64. Waad I dhiiri-galisaa, ag-joogaada wax badan ayaan ka-faa’idaa.
  • 65. Saxiibo wanaagsan in la-helo way adag-tahay. Waxaan si gaara ugu faraxsanahay, inaan is-helnay.
  • 66. Quruxdaadu waa mid cajiiba, waana waxa ugu yare e xiisaha leh.
  • 67. Markasta maalintayda waad nuurisaa.
  • 68. Waxay ahayd inaan mar hore, ku-barto.
  • 69. Waan farxaa markaa kula-sheekaysanayo.
  • 70. Naxariistaada wuu dareemayaa, qofki kula-kulmaa.
  • 71. Waadba ka-sii qurux-badan tahay sawirkaada.
  • 72. Dulqaadkaada runti waa mid mudan ixtiraam.
  • 73. Magaranayo sidaad u qabato waxaas oo hawla, waxaa tahay gabadh awood badan.
  • 74. Falsafadaada waxaan ka helaa tamar badan.
  • 75. Waxaa tahay qof daryeel badan, waxaan ku faraxsanahay inaan ku aqaano.
  • 76. Sawiradu cadaalad kamaaha quruxdaada.
  • 77. Intaad og-tahay in kabadan, ayaad I caawisaa.

Amaanta dumarka oo ku saabsa shukaansiga

103+ Erayo Amaan Dumar Oo Macaan Better Sagaal (1)
  • 78. Indhahayga kama laaban-karo quruxdaada.
  • 79. Jidhkaadu waa mid dhalaalaya oo soo-jiidasho leh.
  • 80. Fiiradaada waanba ku dheegaagay.
  • 81. Waxaad u eg-tahay qof ciyaartoy ah. Maxaad samaysaa ood jidhkaada sidan ugu qurxisay.
  • 82. Waad nuuraysaa maanta.
  • 83. Qof yaqaana shaqsiyadiisa ayaa tahay.
  • 84. Waxaad leedahay akhlaaq cajiiba
  • 85. Waxaanba ku riyoodaa, sidaan kaaga farxin lahaa adiga.
  • 86. Labiskan wuxuu kaa sii-dhigay mid inti hore, ka qurux badan.
  • 87. Waxaad sabab u tahay dhoola-cadayntayda maanta.
  • 88. Waxaad ku shidan tahay qaabkaad tahay.
  • 89. Markastoon jooga agtaada, wakhti badan ayaa iga luma.
  • 90. Dhakhtarada qalbigayga, maad noqon?.
  • 91. Waan ka-helaa caadooyinkaada.
  • 92. Qofi ugu soo-jiidashada badnayd een arko ayaad tahay.
  • 93. Saacado dhan ayaan ku eegi karaa, anigoon dareemin wax cajis ah.
  • 94. Layskama kaa celin karo, markaad muusooto.
  • 95. Bishimahaada, waa kuwo dareen gooniya leh.
  • 96. Waxaan dareemayaa inaad daroogaysanahay, malaha adigaan kugu sarkhaamay.

Amaanta dumarka oo kaftan ah

103+ Erayo Amaan Dumar Oo Macaan Better Sagaal (2)
  • 97. Inaan sidi qof doqona oo kale, kuu daawado ayeyba iga haysaa.
  • 98. Waxaanba ka-masayraa sawiradaada.
  • 99. Hadaan wax kugu soo-tuuro, anoona kuu sheegin, waadba qaban shaki la’aan.
  • 100. Waxaa tahay boqorad cajiiba. Hadana akhlaaqdaada iyo edebtaada, waxaad moodaa inaa tahay general ciidan.
  • 101. Adigaaba ka xamaasad badan, ilmo yar oo ciidaya.
  • 102. Waanba ka helaa qayladaada, markaad qoslayso.
  • 103. Maad ogtahay inaad qurux badan tahay, xataa markaad ooyayso.
  • 104. Cajiib, waad shidan tahay, xataa markaadan marsanin, make-up.
  • 105. Nasiib wanaag, daroogo ma-tihid. Waxaan noqon lahaa mid ku isticmaala markasta.
  • 106. Markaan ka fikirayo gabadh adag, adigaa igu soo dhaca.

sidoo kale akhriso maqaaladan.

sirta shukaansiga dumarka
sidee wiil jaceyl loogu abuuraa?
erayo jaceyl oo xul ah!

Amaanta dumarka oo xul ah

  1. Farxadaydu waxay ku-jirtaa la-kulankaada.
  2. Codkaada waan ka-helaa.
  3. Inaan wakhti kula-qaato waa waxaan ugu jeclahay.
  4. Hadal, inaan ku dhagaysto ayaan jeclahay.
  5. Waan qadariyaa waanadaada iyo fikirkaada.
  6. Waan ka-helaa qaab labiskaada.
  7. Qoyskayga aad ayey kuu daqariyaan.
  8. Waa hore inaan ku barto, ayaanba jeclaan lahaa.
  9. Daganaansho ayaan ku dareemaa ag-joogaada.
  10. Waad ku mahadsan tahay, maadaama aad ii samirtay.
  11. Waan jeclahay sidaad daacad ugu tahay xidhiidhkeeena.
  12. Qof wanaagsan inaan kuu noqdo ayaan rabaa.
  13. Dumarka aduunka adigaa ugu caqli badan.
  14. Timahaadu waxay u dhalaalayaan sida qoraxda oo kale.
  15. Naxariistaadu waa mid dabiici ah.
  16. Waxaa tahay boqoradi xaraga.
  17. Dhoolacadayntaadu waa albaabki farxada iyo guurka.
  18. Sidaad qoyskaada u daryeesho waa mid cajiiba.
  19. Aragtidaada wanaagsan waa rajo, xataa xiliyada adag.
  20. Sifooyinkaada cajiibkaa, buug wayn ayaa laga qori karaa.
  21. La-joogaada waxaan ku dareemaa qanaaco.
  22. Talooyinkaada wanaagsan, waa shidaalka aan ku shaqeeyo malinkasta.
  23. Maad ogatahay inaad tahay, hadyadi ugu qaalisanayd een helo.
  24. Caqligaadu waa mid sida bada aan gudhaynin.
  25. Sida dhaymanka ayaad qaali u tahay.
  26. Waxaa tahay qorax u soo-baxday noolashayda.
  27. Markaad xaragoonayso, dabayluhu xataa way istaagaan, quruxdaada darteed.
  28. Wadnahaygu wuu bodboodaa, markaad u soo-dhawaato.
  29. Waxaan ku faraxsanahay xasuusta aan wada samaysanay.
  30. Markaad qolka soo-gasho, mugdiga wuu baxaa.
  31. Qalbigayga intuu dhaqdhaqaaqayo, jaceylkaada igama dhamaanayo.

Amaanta dumarka oo macaan

Waa erayo jaceyl amaanta dumar, ood u diri karto qofkaad sida dhabta ah u jeceshahay.

  • Qurux la’aantaa waa abaar.
  • Ilintaadu maankey daalisaa.
  • Umulkiyo dhibtaan alaladay.
  • Aleelkaan ku waayaan aamusaa.
  • Ogow hadey boqorad jirto.
  • Waa adiga macaan.
  • Qaali wax kasta waad u qalantaa.

Fariimo amaan dumar

Hadaad gabadhaada u dirto fariin amaanta dumarka ah, markasta adiga ayey kugu riyoon doontaa.

  • Oogada jirkiyo.
  • Uurkiyo qalbiga.
  • Adigaa hantoo.
  • Iska yeeshayee.
  • Adigaa macaan.
  • Aragaygiyey.
  • cid kaa maarmine.
  • Sidaa awgeed.
  • Adiguna ahow.
  • Taan u aayayee.
  • Arageeda taan.
  • Ku il-doogsadaay.
  • Amaan iyo ducaba.
  • Waad istaahishaa.
  • Inaan kuu tirshee.
  • Ayatin ku-waar.

Tix amaan ah dumar

Waa murti amaanta dumarka, ama hadal amaan dumar. Oo aad u macaan.

  • Amakaagay aragaaga.
  • Quruxdiyo edebtaada.
  • Dhaqan iyo asluubtaada.
  • Anshax iyo xishoodkaada.
  • Kaftankaad la-heli maayo.
  • Qalbigeygaad ku abuurtay.
  • Jaceyl uurka ladi waayay.
  • Hadba eegay sawirkaada.
  • Abuurtaadaan la-cajabay.
  • Shaq-dhexe hurdadi toosay.
  • Kaa eegay aageyga.
  • Agagaarka dhinacayga.
  • Kacayoo khadki kaa eegay.
  • Online kaa fiirshay.
  • Arki waayay muuqaaga.
  • Udbiyo kal kuu oontay.
  • Hadba riyo maan kugu arag.

Maanso jacayl amaan dumar

Waa amaan macaan badan, ee si fiican u akhriso.

  • Maalin-khayr labadeena.
  • Waxaa dhici doona arooskeena.
  • Alalaaska guurkeena.
  • Marti qaadka ehelkeena.
  • Waynu gudi abaalkooda.
  • Inta neceb arageena.
  • Adna ku agjooga.
  • Nacabkuna ha ooyaan.
  • Markuu dhaco arooskeena.
  • Hanbalyada asxaabteena.
  • Ku agtaag taswiirteena.
  • Naftan jecel oraahdaada.
  • Istareexda hadalkaada.
  • Kalmadaha aftahankaaga.
  • Kurbadey abuuraane.
  • Kol ahaatey dookhayga.
  • Adna noqo aduunkayga

amaan qoraal dumar

  • waxaa tahay gabar isku-kalsoon, oo si fiican u fikirta.
  • ax, qosolkaadu waa dilaa.
  • naxariista aad dadka u muujiso waa mid cajiiba.
  • shukulaatadu way macaan tahay, laakin adigaa ka macaan.
  • waan farxaa markaan kula-joogo.
  • waan ka xumahay inaan ka soo daahay barashadaada.
  • qalbi-dahab ayaad tahay.
  • waxaan kuu ahay taageero weyn.
  • jaceylkaadu waa mid cajiiba.

xikmad amaan dumar

  • noolasha waxaad u yeeshay qiimo.
  • codkaadu waa mid dareen gooniya leh.
  • qosolkaadu wuu i daciifiyaa.
  • markaan ku eegaba waxaa yaraada dhibaatooyinkayga.
  • waxaan ku faraxsanahay inaan ahay garabkaada.
  • waan u xiisi doonaa inaan wakhti kula-qaatay.

geeraar jaceyl amaan dumar

  • maanta waad nuureysaa.
  • dumarka adigaa ugu quruxsan.
  • timahaada waan jeclahay.
  • aad ayaad u shidan tahay.
  • naag kaa quruxsan ma noola.
  • indhihi ugu quruxsanaa ayaa kugu yaalla.
  • bishimahaada waa maashaa allaah.

waa kuwan geeraaro jaceyl oo xul ah.

erayo amaan dumar oo macaan

  • waxaa tahay boqoradi noolashayda.
  • waxaa tahay riyadeydi oo rumowday.
  • farxad xad-dhaafa ayaan ku dareemaa agtaada.
  • indhahayga kaama leexin karo.
  • waxaan ugu jeclahay, waa inaan agtaada ka soo-tooso.
  • waxaa tahay hadyadi ugu qaalisanayd een helo.
  • aduunka oo dhan ayaad u qalantaa.

amaan jaceyl dumar

  • waan jeclahay shaqsiyadaada.
  • waxaa tahay cajiib.
  • waan ku jeclahay inaan ku dhaho kama-daalayo.
  • daawashaada waan ka helaa.
  • kartidaadu maba-xadidna.

amaan gabar qurxoon

  • waxaa tahay qoraxdi noolashayda.
  • adigaan ku dheefsadaa.
  • waad carfaysaa, maxaad soo marsatay.
  • waxaa tahay qof lagu kalsoonaan karo.
  • tani waa gabar cajiib ah.
  • oo aad u soo jiidasho badan

dhambaal amaan dumar

  • qureeshti hablahaay.
  • qurux hodan ayaad ka tahay.
  • qiimenta dadnimada ayaan kugu qaatay.
  • qudheydi ku-raacdoo.
  • kaa quusan waydoo.
  • waan kuu qushuucoo.
  • igu qaali baa tahay.
  • qawlkaaga wacanbaa.
  • qalbigeyga dagay.

gabay dumar amaan

  • xidigad baa tahay.
  • xurmo iyo xishood looga haray.
  • xikmad iyo xilkasnimo looga haray.
  • xaqdhawr iyo xushmad looga haray.
  • xidigad baa tahay.
  • xilo in laga dhigto ku haboon.
  • xooral-cayn xasiloon baa tahay.
  • adiga ayaan kuu noolahay.

Maanso amaan dumar

  • Dadka taan ka doortaay.
  • Dareenkii wadnahaygaay.
  • Diirkii jirkaygaay.
  • Dooqaygu miduu raacay.
  • Waxaan kuu soo dirayaa.
  • Salaam daacad ahoo dabacsan.
  • Diiranoo duunyo oo idil iyo.
  • Doolarka ka qaalisan.
  • Oo dubka sariyo
  • Halbawlaha dacaladiisa.
  • Ku dahaaran qalbiga

Erayo amaan ah qoraal

  • Sida ubaxa dhalaaloo.
  • Dhaayo u roon baan.
  • Kuu dhawrsadaayoo.
  • Dhinacayga laabtiyo.
  • Wadnahaad dhax jiiftaa.
  • Kuu dhiibay noolashoo.
  • Dhaxashaye nafteydee.
  • Hay dhigin dharaaraha.
  • Dhamacdiyo kulaylaha.
  • Dhulka meeshaad aadiyo.
  • Aragaadu yuun dhuuman.
  • Aan ku dhawrto waligay

Ereyo amaanta dumar

  • Way qurux badan tahay.
  • Way dabeecad wacan tahay.
  • Way sharaf badan tahay.
  • Hadalka badan kama hesho.
  • Way caraf badan tahay.
  • Ma-cayilna mana caateysna.
  • Gabadhaasi waa boqorada.
  • Hada akhrinaysa maqaalkan.
  • Waan ku salaamay quruxey.

sidoo kale akhri!

noocyada jaceylka loo qaybiyo
dhibaatooyinka guurka ninka kaa yar
noocyada dumarka

Erayo amaan ah dumar

  • Maxaan kugu asteeyaa.
  • Ama kugu amaanaa.
  • Afka eray ka sheegaa.
  • Aduunkaba dhamaantii.
  • Kuma arag adoo kale.
  • Isku maalin may arag.
  • Ma dareemin uurkuna.
  • Hadba eegistaadaan.
  • Ku ashqaraarayaayoo.
  • Indhahaygu aragiyo.
  • Abuurtaada jecelaa.
  • Ilays badanaa.
  • Oo udgoon badanaa.
  • Iftiinka cadceediyo
  • Umadu jecelaa.

dhaanto amaan dumar

  • mida igudhax nooley.
  • Dheefshiidka calooshiyo.
  • Dhuunteyda daganeey.
  • Ma wax laguu dhigaa jira.
  • Mida dhiiga habeesaay.
  • Halbawlaha dhaxdiisiyo.
  • Dhuuxa dareen ku beedhay.
  • Mida dheeha quruxdiyo.
  • Dhalaal iyo wanaaglaay.
  • Sida dharaarta duhurkaa.
  • Ama dhayda caanahaa.
  • Dhabankaada cadaa yahay.
  • Mida dhagaha maqliyo.
  • Aragtida dhamaysay.
  • Dhinacayga bidixdaa.
  • Aduu kaa dhursugayaa.
  • Sida dhool ukadaay iyo.
  • Dhibic iyo daruuray.
  • Xiisaha dhaashaha baad.
  • Dhalanteed ka dhawrtaa.

Erayo amaan qurux dumar qoraal

  • Saw taan sabaalaha.
  • Qalbigayga siin jirey.
  • Saw taan sawirkaagiyo.
  • Suuradaada dayi jirey.
  • Sawir lama amaanee.
  • Yartaan ku sahwiyay.
  • Saxarla weeyaane.
  • Ruuxdana lama simo.
  • Saacadaan la joogee.
  • Anigiyo yartaan siman.
  • Waysku soconaa.

Qurux dumar amaan

  • Waligayba kuma tiro.
  • Kaama tago adigoo nool.
  • Talo ruux kaleetiyo.
  • Tashi aadmi ima siro.
  • Adoo taagan luuley.
  • Ma tilmaamo ruux kale.
  • Adigaan tacliintiyo.
  • Taxanaha jaceylkiyo.
  • Kaa dhigtaa tusaalaha.
  • Noolashayda taagee.
  • Sidaan kuu tabo xabiibi.
  • Adiguna maad ii tahay.

Gabar qurux badan amaan

  • shaqal iyo shibaniyo.
  • Inta sheeko lagu qoro.
  • Ama gabay la sheegoo.
  • Shuruudiisa lagu daro.
  • Shukriyeey ilaa shalay.
  • Wixii aan la shoogaan.
  • Kuu sheegayaa adi.
  • Sharaf iyo karaamaba.
  • Shacniyo eedaabta.
  • Shaxshaxdiyo wanaag.
  • Hablahaad u shidantoo.
  • Shaki maleh inaa tahay.
  • Shamsi soo baxaysoo.
  • Nuurkeedu shidan yahay.

Erayo jaceyl amaan ah dumar

  • Ma qiyaasin aadmiga.
  • Mana qeexin ruux kale.
  • Qofaan kula masaayaa.
  • Kama qorin amaanoo.
  • Waxaad qaas u leedahay.
  • Ama kugu qadariyaa.
  • Inaad quluubtiyo.
  • Qalbigaad dawaysaa.
  • Waxaa tahay qureeshiyo.
  • Quruxduu ilaahay.
  • Qarnigeena keenoo.
  • Qacdi aan ku eegay.
  • Indhuhuba qaboobaan.
  • Dabci fiican baad leedahay.

Amaanta hablaha oo qoraal ah

  • Qofaan la-jari Karin. Qalbi aan la-abin Karin.
  • Qosol aan la-nici Karin. Quruxdi haweenkaay.
  • Ku qiyaani maayo. Ii noqo qof daacada.
  • Qabowga iyo roobka. Qaali kuuma quuree.
  • Qof iga midaa tahay. Qabso nafta, hoo qaado.

Erayo Calaacal xanuun badan

  • Waan qasbaa naftaydoo.
  • Anoo qalan baan hadana.
  • Qarsadaa dhibkaan qabo.
  • Ilmada qubanaysanan.
  • Qosol baan ku dayaa.
  • Bal inaan ku qaboobo.

sidoo kale akhri: waa maxay tiirasha jaceylka?

amaan dumar geeraar

Dhamaan erayadan, waxay amaanayaan gabadha ruxudeeda, shaqsiyadeeda iyo jirkeedaba.

Waa erayo aad ku dhihi karto, si aad u soo jiidato.

Amaan qof aad jeceshahay

  • Ayaan waa xul dumaroo. Xiligan hablaha jira.
  • Xag-kasta markaan ka dayay.
  • Qurux waa xageeda.
  • Dhererkiyo xubnaha qoran.
  • Xishootikiyo eedaabta.
  • Xaakim baa ugu deeqay.
  • Xilkastii haweenkiyo.
  • Waa xuural-ceyntii dunida.
  • Hagoogtaba ma xoortoo.
  • Way xijaaban tahay abid.
  • Siduu xeerku dhigaayiyo.
  • Xadka dhaqanka kama tagin.
  • Waa xida diinteeda xooja.
  • Ma taqaano xan iyo qudhun.
  • Kaftankeedu xanaf maleh.
  • Hadalkeedu waa xikmad.
  • Beentu waa ka xaaraan.
  • Way lab xaadhan tahay oo.
  • Qalbigeedu waa xab-xab.
  • Xaasidnimo umay dhalan.
  • Ma xigsato qabiiloo.
  • Ma xumayso aadmiga.
  • Dadka way xushmeysaa.
  • Dariskiyo xigaalkiyo.
  • Nartiday xaq-soortaa.
  • Oo ehelkay xaq-dhawrtaa.
  • Inta xaawaley gabadh.
  • Gambo xidhata oo idil.
  • Xidigtooda weeyaan.
  • Xaaji aabihii dhalay.
  • Xaqiiq hooyadeed baa.
  • Kusoo habay xalaal oo.
  • Xurmad iyo wanaagaba.
  • Xagooday kawadataa.
  • Ragba kay xiriiraan.
  • Xasuus aan dhamaan iyo.
  • Xubi ninkey u qaadee.
  • Xalaal kula heshiisee.
  • Xaaskiisa noqotee.
  • U xambaarto ubad baa.
  • Ku xamdiya ilaahoo.
  • Ku xasila aduunyada.

Liisto Hadal amaanta dumar

  • Way qurux badan tahay.
  • Waa gabar akhlaaq leh.
  • Waa gabar udgoon.
  • Waa gabar caqli badan.
  • Waa gabar danteeda raacda.
  • Gabadhaasi waa midaan jeclahay.

Erayo erayo macaan dareen leh

  • Hadey duni qiimo leedahay.
  • Dadkuna abaal leeyahay.
  • Daacadnimaduna wax tarayso.
  • Anaa dagan hanan lahaa.
  • Daar iyo aroos la-gali lahaa.
  • Doqon iyo calaf baanse dagaalnoo.
  • Waa anigaan dalan baabinaya.
  • Dusha waagu iigu baryey

Xarfo amaan ah dumar

quruxleyqalanjoCaqli badan
malabomacaancajabo
dagannimcoshankaroon
boqoraddajiyaDhalaal badan
Asluub badandhoolRaas haween
nasaboanshaxgeenyo
dahabsonkoroxalwo
ciiltiradhawrsannaruura
iftiindeeqadheeman
gaaridhawrsanrunley
gobnasteexonaruura

Gaba-gabo

Dumarku way jecel yihiin amaanta iyo in loo mahad-celiyo. Sidaas darted waa muhiim inaad garanayso, sida ugu wanaagsan ee loo amaano. sida aad u isticmaali lahayd.

Listadan amaanta gabdhaha ah, een kor kugula wadaagay. waa kuwa ugu wanaagsan eed hadalka kula billaabi karto gabadha. Waxayna kaa caawinayaan, iney amaantaadu noqoto, mid run ah, oo aan been ahayn.

Amaanta runtaa, waxay fure muhiima u tahay xiriir kasta. Sababtoo ah, waxay kaa caawin inaad xidhiidh caafimaad-qaba la-samayso, qofka kale.

Sidoo kale waxaad u isticmaali kartaa. inaad ku soo-jiidato dareenka gabadha, hadaad xishood badan tahay. ma ahan erayo oo kaliya, ee waa hub. haddii aad isticmaasho erayadan amaanta ah.

Inkastoo qofkasta jecel yahay in la-amaano, hadana dumarku aad ayey uga helaan amaanta. Iyo in loo-riyaaqo. Siiba qofka lamaanahooda ah, iyo asxaabtooda.

Intaas waxaa dheer, amaantu waa hab aad ku hanan karto, qalbiga dumarka. Waxaad gabadha ku amaani kartaa habab badan. Laakin intan waa xoogaa kamida, ood dumarka u isticmaali karto.

Hadaba dhaqaaq, oo u isticmaal amaantan xiisaha badan. gabadhaad rabto inaad soo jiidato, ama adiga ku jeclaato. Ama inaad ka farxiso.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

dhammaad.

Post Views: 5,220

103+ Erayo Amaan Dumar Oo Macaan Better Sagaal (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Rev. Porsche Oberbrunner

Last Updated:

Views: 5928

Rating: 4.2 / 5 (53 voted)

Reviews: 84% of readers found this page helpful

Author information

Name: Rev. Porsche Oberbrunner

Birthday: 1994-06-25

Address: Suite 153 582 Lubowitz Walks, Port Alfredoborough, IN 72879-2838

Phone: +128413562823324

Job: IT Strategist

Hobby: Video gaming, Basketball, Web surfing, Book restoration, Jogging, Shooting, Fishing

Introduction: My name is Rev. Porsche Oberbrunner, I am a zany, graceful, talented, witty, determined, shiny, enchanting person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.